Raaxada Maskaxda 3 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

Abubakar Mohammed - Podcast autorstwa Abubakar Mohammed

Kategorie:

Inta aad nooshahay waxa ugu weyn oo farxad ama murug ku dareensiiya waa sida aad u fekerayso. Sababta aad ugu raaxaysan wayday noloshaada waa natiijad ka dhalatay qaabka liita ee aad u isticmaalayso maskaxdaada. Qaybtan wuxuu si dhab ah kaaga caawin doonaa: Sida loo oggaado waxa si dhab ahaan kuu farxad geliya. Sida aad u qaadan lahayd mas’uuliyadda nafsadaada. Sida ugu fiican ee loo dejiyo hadafyadaada iyo sida degdeg loogu gaaro hadaf kasta oo aad leedahay noloshaada. Sida aad ugu raaxaysan lahayd inta yar ee aad haysatid. Sida aad ku oggolaan lahayd noloshaada. Sida loo noqdo mid mar walba Alle u mahadceliya. Sida wax walba dhinaca wanaagsan loogu fiiriyo. In aadan is barbardhigin. Sida aad u ahaan lahayd qofka adiga aad tahay, una joojin lahayd saamaynta hadallada dadka.